Pep Guardiola Oo Jabiyay Rikoodh Uu Jose Mourinho Ka Dhigay Premier League.

0
166

JOWHAR (Radio isnaay) Pep Guardiola ayaa jabiyay rikoor u yaalay horyaalka premier League kaasoo uu horay u dhigay Jose Mourinho, ka dib markii Manchester City ay 3-0 kaga badisay Brighton & Hove Albion, ciyaar ka dhacday Etihad Stadium.

Goolal ay dhaliyeen Mahrez, Foden iyo Silva ayaa Man City ka caawiyay in ay gaadho guul ay ugu soo laabatay hogaanka horyaalka premier League.

Guardiola ayaa gaadhay guushii 25 kadib 344 kulan oo uu hogaamiyay Man City tartamada oo dhan taas oo la macno ah in uu Guardiola yahay tababarihii ugu dhakhsaha badanaa ee rikoodhkaas gaadha koox premier League.

Tababaraha Man City ayaa dhaafay rikoodh uu dhigay Jose Mourinho kaas oo uu k gaadhay 396 kulan intii uu hogaaminayay kooxaha premier League.

Kenny Dalglish (429 games), Arsene Wenger (433 games) & Don Revie (439 games) ayaa ah tababarayaasha ugu sareeya ee 250 guul ka gaadhay premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here