Antonio Rudiger Oo La Kulmaya Koox Reer London Ah, Arsenal Mise Tottenham?

0
142

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga difaaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa lagu soo waramayaa in uu qorshaynayo in uu la kulmo tababaraha kooxdan Tottenham ee Antonio conte si uu ugala hadalo suurtaganimada uu ugu biiri karo kooxda ka dhisan London.

Heshiiska Rudiger ee kooxda Chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Conte ayaa la soo saxiixday sanadkii 2017 markii uu ahaa tababaraha kooxda Chelsea waxana uu xiddiga la leeyahay xidhiidh fiican.

Sid laga soo xigtay wargayska Sport, Conte ayaa la kulmi doona xiddiga reer Germany si uu ugu qanciyo in uu ku biiro kooxda Tottenham xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Rudiger ayaa sidoo kale lala xidhiidhanayaa kooxaha juventus, man United, Barcelona iyo Real Madrid kuwaas oo dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here