Erik ten Hag Oo Loogu hambalyeeyay Shaqada Man United & Wixii Uu Sameeyay

0
196

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha soo socda ee Manchester United Erik ten Hag ayaa jawaab heer sare ah siiyay saxafi ‘u hambalyeeyay’ magacaabistiisa.

Ten Hag ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis la gaaray United si uu ula wareego kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka isla markaas noqon doono tababaraha cusub ee Man United.

“Maxaa yeelay waxaan u adeegaa Ajax. Waxaan u baahanahay inaan ku guuleysano labada koob ee harsan”ayuu Ten Hag yidhi markii loogu hambalyeeyay shaqadiisa Man United.

“Anigu ma cabsanayo, mar kale ayaan ku celin doonaa, ma haysaan su’aal ku saabsan Final-ka iyo Ajax”ayuu sii raaciyay.

Ten Hag ayaa shaqada ka badali doona Ralf Ragnick kaas oo ka tagi doona kooxda Man United marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here