Muhaajiriin ku Dhintay, iyo Qaar lagu la’yahay Xeebaha Libya

0
206

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Lix qof ayaa dhintay 29 kalana waa la la’yahay iyadoo loo badinayo in ay dhinteen ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degtay meel u dhow xeebaha Libya, sida ay Sabtida maanta ah sheegtay hay’adda socdaal addduunka ee IOM.

Hay’adda ayaa Twitter-keeda ku qortay in doon yar oo alwaax ka sameysan islamarkaana siday ilaa 35 muhaajiriin ah ay ku degtay xeebta magaalada Sabratha.

Liibiya, oo muddo tobanaan sano ah ay ka jiraan colaado iyo sharci la’aan ayaa ah halka ay ka baxaan muhaajiriin Afrikaanka iyo Aasiyaan ah oo isku dayaya in ay safarkan halista ah ku gaaraan Yurub.

Muhaajiriinta ayaa inta badan xaalado argagax leh kala kulma gudaha Libya, iyagoo ay xeebaha ka raacaan doonyo ay buux dhaafiyaan kuwaas oo xaaladdoodooda oo aan wanaagsaneyn darteed ku dega badda ama wajaha dhibaato inta ay safarka ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here