Aurelien Tchouameni Oo Fariin U Diray Kooxaha Doonaya, Mustaqbalkiisa Ayuu Ka Hadlay.

0
305

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga khadka dhexe ee Monaco Aurelien Tchouameni ayaa ku adkeystay inuu “aad ugu faraxsan yahay” Stade Louis-II iyada oo lala xiriirinayo kooxo waaweyn oo reer yurub ah.

Xiddiga reer France ayaa la rumaysanyahay in uu diirada u saaranyahay kooxaha Man United, Real Madrid, chelsea iyo Man City kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Monaco.

Tchouameni ayay wali 2 sano uga hadhsantahay heshiiskiisa kooxda Monaco waxana uu xiddiga 22 jirka ah sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda ku ciyaarta Ligue 1.

“Marka aan wax bilaabo waxa aan isku dayaa in aan ku fiicnaado, waxa aan doonayaa in aan ka mid noqdo xiddigaha ugu fiican booskayga, sidaas darteed waxa aan u shaqeeyaa si adag”ayuu Tchouameni yidhi.

“Monaco waa koox weyn waliba leh taariikh cajiib ah, xiddigo badan oo fiican ayaa u soo ciyaaray sidaas darteed aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka qayb ahaado”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here