Xavi: Saddexdan Khalad Ayaa Sabab U Ahaa In Aan Ka Hadhno Europa League

0
153

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha Kooxda Barcelona ayaa ka hadlay guuldaradii kooxda Barcelona kala kulantay Eintracht Frankfurt kulan ka tirsanaa Europa League kana dhacay garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa ka hadhay Europa League kadib markii ay guuldaro 4/3 labada lugood ah kala kulmeen kooxda Eintracht Frankfurt.

Ciyaarta kadib tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa sheegay khaladkii ay sameeyeen kooxdiisu intii lagu jiray kulanka waliba ay doonayeen in ay ka fogaadaan.

Waxa aan xiddigaha u sheegay in ay ka fogaadaan 3 khalad oo aan samaynay lugtii hore kuwaas oo ahaa, in aan kor u qaadno dar-darta kulanka, in aan isla ilaalino luminta baasaska iyo in aan joojino weerarkooda rogaal celiska ah laakiin intaasba maanu samayn”ayuu xavi yidhi.

Kooxda Barcelona ayaa 8 dhamaadka kaga hadhay Europa League oo ah koobka kaliya ee ayna Barcelona waligeed ku guulaysan taariikhdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here