Kuuriyada Koonfureed oo hal sano ka dhimaysa da’da u diiwaangashan ee shacabkeeda

0
150

JOWHAR  (Radio isnaay)- Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ku talo jira inay hal sano illaa laba sano ka jaraan da’da u diiwaangashan dadka u dhashay dalkooda, haddii la ansixiyo hindisaha uu horkacayo madaxweyne Yoon Suk-yeol oo la filayo inuu dhawaan xilka la wareego.

Yoon Suk-yeol oo xafiiska la wareegaya bisha soo socota ayaa ballan qaaday inuu baabi’inayo habka gaar ah ee uu dalka Kuuriyada Koonfureed uu u xisaabiyo da’da. Sida uu qabo sharciga dalkaasi, caruurtu marka ay dhashaan waxaa da’dooda laga bilaaba hal sano.

Marka la tixraaco nidaam xisaabeedka da’da ee dalka Kuuriyada Koonfureed, waxay ka dhigan tahay in qofka u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed inuu hal sano ka weyn yahay, qofka ay isku sannadka iyo bisha dhasheen ee ku nool meel kale oo dunida ah.

Hab xisaabeedkan da’da ee ku salaysan dhaqanku waa mid si weyn looga isticmaalo wadamada bari ee qaaradda Asia, hase ahaatee dalalkaas kale badankoodu waxay mar hore qaateen hannaanka caalamiga ah ee loo xisaabiyo da’da.

Illaa iyo hadda ma cadda Meesha ay ka timi hab-xisaabeedkan da’du. Waxaase jirta hal aragti oo sheegaysa in nidaamkan loola jeedo in la aqoonsado nolosha ilmaha ee xilligii uu uurka ku jiro, halka qaar kale ay sheegaan in nidaamkani uu ka soo jeedo xilliyo hore oo aanay tirada ku jirin eber ama zero, sidaas awgeed laga bilaabi jiray hal iyo wixii ka sareeya.

Daraasad uu sameeyey machadka Honkook Research ayaa 71% bulshada ku dhaqan dalka Kuuriyada Koonfureed waxa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here