Toban dalxiise oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Wadanka Masar.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wararka ka imanaya dalka Masar ayaa sheegaya in bas nooca dalxiiska qaada ah ay isku dhaceen gaadhi xamuul ah, xilli ay marayeen waddo ku taalla koonfurta dalka Masar. Shilkaas ayaa sababay inuu dab qabsado gaadhigii baska ahaa, waxaana halkaas ku dhintay 10 rakaab ah oo ay ku jiraan 4 qof oo u kala dhashay dalalka Faransiiska iyo Belgium, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dalka Masar.

Shilkan ayaa ka dhacay meel 55 kiiloomitir u jirta koonfurta magaalada qadiimiga ah ee Luxor, xilli ay ku sii jeedeen daanta galbeed ee wabiga Niil, sida ay bayaan ku sheegeen maamulka gobolkaasi.

Ka sokow dalxiisayaasha ajnebiga ah, waxaa sidoo kale shilkan ku dhintay shan qof oo masaari ah, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 14 qof oo kale oo ay ku jiraan 8 qof oo u dhashay dalka Faransiiska iyo 6 qof oo u dhashay dalka Belgium. Illaa haatan ma cadda sababta keentay burburka shilkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here