Baarlamanka Dalka Pakistan oo Doortay Ra’iisul Wasaare Cusub.

0
180

Jowhar- ( Radio Isnaay ) – Sharci-dejiyayaasha Pakistan ayaa maanta u doortay Shehbaz Sharif inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub kadib markii Axaddii xilka laga tuuray Imran Khan oo iska casilay kursigiisa golaha qaranka — isaga iyo inta badan xubnaha xisbigiisa — kahor codeynta.

Khan ayaa xilka laga qaaday Axaddii kadib markii uu lumiyey codka kalsoonida, taasi oo dhabbaha u xaartay isbaheysi lama filaan ah oo hadda wajahaya caqabado la mid ah kuwii la degay Khan.

Sharif, oo hoggaamiya xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N), ayaa ahaa musharaxa kaliya kadib markii wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Shah Mahmood Qureshi oo daacad u ah Khan uu ka laabtay musharaxnimadiisa iskana casilay kursigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here