Turkiga oo soo nooleeyay hab qadiimi ah oo Cusmaaniyiinta u tukan jireen Taraawiixda

0
177

JOWHAR (Radio isnaay)- Waaxda arrimaha diinta ee dalka Turkiga ayaa go’aansatay sanadkan in dib loo soo nooleeyo hannaankii ‘Andron’ ee lagu gudan jiray salaadda taraawiixda ee bisha Ramadaan.

Tallaabadan waxay ku soo beegantay xilli dib loo furay masaajidda lagu tukado salaadda Jimcaha iyo Taraawiixda, iyadoo muddo labo sano ah uu cibaadadu saameeyay xayiraadda ka hortagga faafitaanka cudurka Corona.

Waaxda arrimaha diinta Turkiga ayaa soo saartay go’aankan xilli noloshu ay si caadi ah kusoo laabtay si loo soo nooleeyo dhaqankan qadiimiga ah, kaas oo caan ka ahaa daaraha waaweyn ee saldanaddii Cusmaaniyiinta tan iyo bilowgii qarnigii sagaalaad.

Waxaana habkan qaddiimiga ah ee ‘Andron’ lagu yaqaanay daarihii khilaafadii Cusmaaniyiinta xilligga salaadda taraawiixda, waxaana salaaddan la tukan jiray maalmo gaar ah, waxaana saddexda rakacadood ee ugu horreysay lagu oogi jiray mowlaca Isfahan halka Imaamka uu rakacadii afaraad u wareegi jiray mowlaca dhalinyarada ee masjidka Aayaa Soofiya halka mu’adinka uu akhrin jiray nashiido iyo saliga Nebiga xilligga lagu sugan yahay mowlaca ‘Saba’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here