Cristiano Ronaldo Oo Wajahaya Ganaax Uga Yimaada FA-ga, Sabab.

0
131

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa wajahaya Ganaax kadib markii uu wiil yar oo 14 jir ah ka jabiyay Mobile kadib kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay Everton.

Xidhiidhka FA-ga ayaa sheegay in ay baadhitaano fureen si loo ogaado xaqiiqada dhacday kadib kulankii Everton ee ka tirsanaa horyaalka premier League.

Wakiil ka socda FA-ga ayaa u sheegay The Athletic: “Waan ka warqabnaa dhacdada, waxaana raadin doonaa dad makhraati ah oo labada kooxood ah iyo xiddigii arinta sameeyay”.

Sida laga soo xigtay Mirror, Ronaldo ayaa wajahaya ganaax uga yimaada FA iyada oo xiddiga laga ganaaxi doona kulamada kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Cristiano Ronaldo ayaa raali galin ka bixiyay dhacdada isaga oo waliba taageerihii uu ka jabiyay Mobile ku marti qaaday in uu kulan ka daawado garoonka Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here