DRC oo ku biirtay Ururka Iskaashiga dhaqaalaha ee Dalalka Bariga Africa

0
163

JOWHAT  (Radio isnaay)-Madaxweynayaasha dalalka ku bahoobay Bulshada Wadamada Bariga Africa ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgal munaasibaddda saxiixa uu wadanka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo uu uga mid noqonayo xubinimada ururkaasi oo ay ku mideysan yihiin ilaa 7 wadan oo bariga Africa ku yaala.

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxda dalalka Uganda, koonfurta Suudaan, Tansaniya, kenya, Burundi iyo Rwanda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo hadda ah guddoomiyaha ururka bariga Afrika ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ay buuxisay shuruudaha ururka islamarkana saxiixa ka mid noqoqashada DRC ee dalalka bariga Afrika ay tahay mid tariikhi ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ayaa tilmaamay in heshiiskan ay uga mid noqdeen ururka dalalka bariga Afrika ay fursad u tahay DRC islamarkana kaalin ay ka qaadan doonto dhaqaalaha iyo horumarka dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here