Mas’uul sare oo British ah oo lagu haysto inuu qaatay degannaashaha Maraykanka.

0
262

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Wasiirka maaliyadda ee UK, Rishi Sunak, ayaa haystay degaannashaha Maraykanka ee loo yaqaano Green Card, xitaa kadib marka uu xilkaa la wareegay, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay.

Rishi Sunak ayaa sharcigaas celiyay bishii October ee la soo dhaafay, ka hor inta aanu safar shaqo oo uu ku matalayay UK ku tegin Maraykanka.

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii Sunak lagu qabsaday sababta aysan xaaskiisa u bixin canshuurta UK, maadaama ay dhakhli ballaaran ka hesho dibedda.

Wasiirka ayaa dadka dhaliilsan ku tilmaamay kuwo beegsanaya qoyskiisa.

Xilligii uu Sunak haystay sharciga Green Card, waxa uu bixin jiray canshuurta Maraykanka, “si uu u iliaaliyo shuruucda dalkaas” ayay sheegtay haweeneyda u hadashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here