Howlgal ka dhan ah Yaxaaska oo ka socda Mozambique

0
165

jowhar  (Radio isnaay)- Ugu yaraan 8 qof ayaa sanadkan Yaxaasku ku dilay degmada Manica ee dalka Mozambique, una dhaw xadka Zimbabwe.

Dowladda Mozambique ayaa bilowday howlgal ka dhan ah Yaxaaska si looga hortago dhibaatada u ku hayo dadka deegaanka.

Agaasimaha gobolka ee arrimaha deegaanka ee Mozambique ayaa sheegay in shirkad gaar ah loo xil saari doono ururinta ukumaha Yaxaaska si loo dhimo dhalashadooda.
Inta badan weerarada Yaxaaska ayaa ka dhacay jiinka wabiga ee gobolada Mussores, Manduzi iyo Machaz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here