Maxkamadda New York oo laga codsaday in ay Trump ku ganaaxdo $10,000 oo doolar Maalinkii.

0
109

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Xeer-ilaaliyaya guud ee gobolka New York ee dalka Maraykanka ayaa maxkamad ku taalla gobolkaas, ka codsatay in ganaax lacageed oo maalinle ah lagu xukumo madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, iyada oo ku eedaynaysa inuu quudhsaday go’aan maxkamadeed oo farayey inuu wakhti xadidan ku soo gudbiyo macluumaad laga rabay.

Xeer-ilaaliye Letitia James, ayaa maxkamadda ka codsatay in madaxweynaha hore lagu xukumo lacag gaadhaysa illaa $10,000 maalintii, taas oo ah xaddi lacageed oo ku khasbi kara madaxweynaha inuu hoggaansamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here