Dal aysan dadkiisu waqti u helin inay hurdaan

0
354

JOWHAR  (Radio ISNAAY)-Dalka Kuuriyada Koofureed waa mid ka mid ah dalalka adduunka ee inta badan dadkoodu ay hurdo la’aan heyso, taasna waxay saameyn ballaaran ku yeelatay bulshada dalkaas kuwooda shaqeeya

Ji-Eun ayaa waxaa soo wajahday hurdo la’aan kaddib markii saacadaha shaqada xafiiskeeda ay aad u dheeraadeen heer ay gaarto inaysan helin waqti ay ku nasato.

Celcelis ahaan waxay shaqeyn jirtay laga soo bilaabo 07:00 ilaa 22:00 balse waxay ahaayeen maalmo aad u mashquul badan. Gabadhan oo 29 jir ah kana shaqeysa xiriirka bulshada ayaa waxay mararka qaar xafiiska ku gaari jirtay ilaa saddexda habeennimo.

Ninka madaxda u ah ayaa inta badan soo waca saqda dhexe, isagoo ka codsanaya inay qabato shaqooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here