Dowladda Hindiya oo ku Dhawaaqday iney joojinayso Shidaalka Sacuudiga.

0
102

Jowhar –( Radio Isnaay)-  Ugu yaraan laba shirkadood oo Hindi ah ayaa qorsheynaya in ay Sucuudiga ka iibsadaan saliid ka yar intii ay caadiyan iibsan jireen, ka dib markii boqortooyada Sucuudigu ay sare u qaaday qiimaha iibka rasmiga ah ee shidaalkeeda.

Labo ilo wareed oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters maalinimadii Arbacada, ayaa arrintan u xaqiijiyey iyada oo dalka Hindiya uu haatan sare u qaadayo inuu saliid jaban ka soo iibsado dalka Ruushka.

Dalka Hindiya, oo ah dalka saddexaad ee ugu badan ee soo dhoofsada saliidda, ayaa waxaa aad u saameeyay kor u kaca qiimaha saliidda caydhiin, iyadoo qiimaha shidaalka ee gobollada qaarkood uu gaadhay heerkii ugu sarreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here