Maxkamad xukun ku riday madaxweynihii hore ee Burkina Faso kaasoo loo heysto dilka madaxweyne hore.

0
167

JOWHAR (Radio isnaay)-Maxkamad militari oo ku taalla dalka Burkina Faso ayaa maanta xabsi daa’in ku xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaas Blaise Compaore kaasoo loo heysto dilkii 1987-kii loo geystay hoggaamiyihii hore ee dalkaas Thomas Sankara.

Sacab xooggan ayaa is-qabsaday gudaha maxkamadda kadib markii la aqriyey xukunka muddada la sugayey, taasi oo soo geba-gebeysay kiis soo jiitamayey 34 sano.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi daa’in ku xukuntay Hyacinthe Kafando, oo ah sarkaal la tuhunsan yahay inuu hogaamiyey kooxdii dilka fulisay, iyo Jeneraal Gilbert Diendere oo ahaa taliye ciidan xilligii khaarijinta, oo la kowsaday afgambi uu xukunka ku qabsaday Compaore.

Sideed eedeysanayaal kale ayaa lagu riday xukunno u dhaxeeya saddex illaa 20 sano, halka saddex eedeysane lagu waayey wax dambi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here