Liverpool Oo Hal Lug La Gashay Semi-final-ka Champions League.

0
200

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa talaabo muhiim ah u qaaday wareega Semi-final-ka tartanka champions League kulan ka dhacay Portugal.

Liverpool ayaa si fiican ku bilaabatay kulanka xilli ay Benfica difaac ku jirtay isla markaas goolkeeda ka ilaashanaysay goolal ay Liverpool dhaliso.

Kooxda Liverpool ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda Benfican kuwaas oo aan qaybta hore ciyaarta.

Liverpool ayaa daqiiqadii 17-aad dhalisay goolka 1-ad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Ibrahima Konate kaas oo gool madax ah u dhaliyay kooxdiisa hogaankana u dhiibay.

Reds ayaa sii waday maamulista ciyaarta iyaga oo sidoo kale qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen in ay ku dilaan ciyaarta

Daqiiqadii 34-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here