Qatar oo noqotay Dalkii ugu horeeyay oo Muslim ah oo lagu qaban doono Koobka Adduunka.

0
128

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Dalka Qatar ayaa sannadkan marti-gelinaya koobka dunida, isaga oo noqonaya dalkii ugu horreeyey ee muslim ah ee koobkaas lagu qabto. Inkasta oo dalkani si weyn ugu diyaargaroobay martigelinta koobka, haddana waxaa la soo sheega inay jiraan caqabado soo foodsaaraya qaban-qaabiyayaasha oo la xidhiidha dhinaca goobaha la degayo.

Dalka Qadar oo aad u yar, ayaa noqonaya dalkii ugu yaraa ee martigeliya koobka dunida, halkaas oo ay isugu imanayaan taageerayaal iyo ciyaaryahanno ka kala socda illaa 32 waddan, kuwaas oo la filayo inay ka qaybgalaan ciyaaraha koobka dunida oo lagu kala qabanayo illaa sideed garoon oo ku hareeraysan caasimadda Doha.

Arrimaha togan ee ay leedahay in cayaaraha lagu qabto dal yar ayaa ah, in taageerayaashu ay si fudud u gaadhi karaan dhammaan garoomada ay cayaaruhu ka dhacayaan, maadaama ay aad isugu dhow-dhow yihiin, halka sannadihii hore ee lagu qabtay koobka dunida dalalka Ruushka iyo Brazil, ay taageerayaashu isticmaalayeen duulimaadyo kala duwan si ay u gaadhaan garoomada oo ku kala yaallay magaalooyin kala durugsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here