Gary Neville Oo Ka Hadlay Fursadaha Man United Ee U Soo Bixista Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe.

0
144

JOWHAR (Radio isnaay) Daaficii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa aaminsan in Red Devils ay seegi doonto artanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Hadalka 47-sano jirkaan ayaa yimid ka dib markii kooxd Ralf Rangnick bar-baro 1/1 ah la galeen kooxda Leicester City kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Kadib bar-baraha ay galeen, Manchester United ayaa ku jirta kaalinta 6-aad iyaga oo 3 dhibcood ka dambeeya kooxda Arsenal ee ku jirta kaalinta 4-aad xilli ay Gunners gacanta ku haysato 2 kulan.

Neville ayaa ka hadlaya in ay fursadaha Man United ee kaalinta 4-aad dhamaatay ayaa yidhi”Waan U Malaynayaa, Rajadoodu way xuntahay, waxa aan filayay in fasaxii xulalku uu dib u siinayo United Rajo isla markaas ay ciyaari doonaan 9 kulan oo Final ah laakiin man United waxa ay gali doontaa laba bilood oo dheer”.

“Waxa aan filayay in ay Man United cadaadis saarto kooxaha kula tartamaya kaalinta 4-aad Arsenal iyo Tottenham laakiin aad ayay uga fogyihiin”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Haatan Man United uma ahan wakhti fiican, waa in ay kaliya dhamaystaan xilli ciyaareedka, uma malaynayo in ay ku dhamaysan doonaan kaalinta 4-aad”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here