Khasaaraha Hantiyadeed ee ka dhashay dabkii Suuqa Magalada Hargeysa oo la shaaciyay

0
196

JOWHAR (Radio isnaay) Guddiga uu Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay qiimeynta hantida ku burburtay dabkii saacadaha badan socday ee ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay khasaarah hordhac ah ee ka dhashay dabkaas.

Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo kamid ah guddiga ayaa sheegay in xog aruurin iyo qiimeyn ay sameeyeen lagu ogaaday in khasaaraha hordhaca ah ay gaareyso  1.5 ilaa 2 Bilyan oo Dollar oo Suuqa taallay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in khasaaraha intaasi ka badan karo, hayeeshee ay weli wadaan qiimeyn kale si loo ogaado khasaaraha rasmiga ah maadaama Suuqa Waaheen ay taallay Hanti badan oo ay leeyihiin Shacabka Somaliland.

Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in 5-ta Bishaan oo ku beegan Maalinta Talaadada ah Suuqa Magalada Hargeysa ee gubtay laga sameyn doono howlo nadaafadeed inta ka horreeysana dadka weli Hantida ka taallo ay kala baxan.

Inta badan Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Soomaalida iyo Caalamka ayaa aad uga xumaaday dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo sheegay inay dhibka la qeyb sanayaan Shacabka Somailand.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here