Arsenal Oo Loo Sheegay In Ay U Dhaqaaqdo Xiddig Ka Fiican Nicolas Pepe Oo Premier League Jooga.

0
200

JOWHAR (Radio isnaay) Paul Merson ayaa sheegay in weeraryahanka Crystal Palace Wilfried Zaha uu ka fiican yahay xiddiga Arsenal Nicolas Pepe.

Merson ayaa ku booriyay Arsenal inay lasoo saxiixato Wilfried Zaha xagaagan Kadib markii ay horay xiiso ugu muujisay saxiixa xiddiga ka hor intii ayna la soo saxiixan Pepe.

“Arsenal waa inay dib ugu laabato saxiixa Wilfried Zaha oo ay isku daydo inay kala soo wareegto Crystal Palace xagaagan, Horay ayay u rabeen oo way waayeen. Laakiin Zaha wuxuu rabay inuu ku biiro, mana sii joogi doono Palace weligiis. Waxaan filayaa inuu isbedel ku samayn doono Arsenal”.

Merson ayaa sidoo kale sheegay in Zaha uu horumar u noqon karo Nicolas Pepe, kaasoo mustaqbalkiisa kooxda uu mugdi ku jiro.

“Zaha wuu ka fiican yahay Nicolas Pepe, ciyaartoyda ayuu u soo jiitaa, waxana lagu heli karaa qiimo jaban marka loo eego markii ay isku dayday saxiixiisa markii hore”.

“Waxa aan filayaa in uu Pepe ka tagi doono kooxda xagaaga hadii ay u helaan koox iibsanaysa”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here