Maxkamada sare ee Kenya oo diiday qorshe uu horumuud ka ahaa Madaxweynaha dalkasi.

0
174

Jowhar – ( radio Isnaay ) – Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in madaxweynaha uu u dhaqmay si aan sharci ahayn markii uu hormuud ka ahaa dib u habeynta, oo loo yaqaan Dhismaha Bridges Initiative (BBI).

Waxay yiraahdeen waxay ahayd in ay dad muwaadiniin ahi hoggaamiyaan – ma ahayn in uu madax qaran noqdo qofka hoggaaminaya hindisaha.

Guuldarada ayaa timid ka hor doorashooyinka muhiimka ah ee bisha Ogosto.

Mr. Kenyatta ayaa horay u soo qabtay labo xilli oo madaxweyne sidaas darteed ma soo baxayo doorashadaas, balse waxa uu dhaxal gal u ahaa ansixinta sharcigan, kaas oo uu ku dooday in uu siyaasadda ka dhigi doono mid loo dhan yahay.

Soo jeedinteeda ugu muhiimsan waxaa ka mid ah soo bandhigida jagada cusub ee ra’iisul wasaaraha. Waxaa jiray hadal heyn ku aadan in Mr Kenyatta uu raadsan karo doorkan hadii ninka ay is hayaan ee Raila Odinga uu ku guuleysto xilka madaxtinimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here