Ronaldo iyo Messi oo markii shanaad u soo baxay Koobka Adduunka

0
211

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa sameeyay dadaal aad u weyn guushii uu xulkiisu 2-0 kaga badisay dalka North Macedonia Talaadadii, isagoo abuuray mid ka mid ah labadii gool ee uu dhaliyay Bruno Fernandes, taasoo horseedday inay u soo baxaan koobka adduunka ee Qadar 2022.

37 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa ka mid noqday koox ciyaartooy ah oo u soo baxay shan koob adduun, kuwaas oo ay ka mid yihiin – Lothar Matthaus, oo Jarmal ah, laacibiibtii hore ee Mexico Rafa Marquez iyo Antonio Carbajal iyo goolhayihii Talyaaniga Gianluigi Buffon.

Lionel Messi ayaa sidoo kale isku diyaarinaya inuu ciyaaro koobkiisi shanaad ee Koobka Adduunka, iyadoo Argentina ay sidoo kale u soo baxday ciyaaraha Qatar.

Ronaldo ayaa xasuus wacan ku leh garoonka Porto ee Dragao Stadium, iyadoo garoonkan uu ahaa halkii uu ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee xulka Portugal 2004-kii ciyaartii furitaanka koobka qaramada Yurub ee ay la ciyaareen Greece, waxaana guushii isreebreebka koobka adduunka ee Talaadadii ay kusoo biirtay liiska taariikhihiisa.

 

Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here