Munaasabad lagu soo bandhigayay Hiddaha iyo Dhaqanka oo lagu qabtay magaalada Istanbul.

0
181

JOWHAR(Radio isnaay) Munaasabaddan oo aheyd mid si heer sarre ah loo soo qaban qaabiyay ayaa waxaa soo agaasimay Maamulka Huda American School’s, oo ah Iskuul ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeybgalay U qeybsanaha Waxbarashada iyo Dhaqanka ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, mudane C/Casiis Sheekh C/raxmaan, Dhallinyaro, Haween iyo qeybaha bulshada.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa goobta lagu soo bandhigay Hiddaha iyo dhaqamada 25 waddan oo kala duwan oo Soomaaliya ay ku jirto, waxaana sidoo kale Madasha lagu soo bandhigay Ciyaar Dhaqameedka iyo Hiddaha ay Caanka ku yihiin dadka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah dadkii ka qeybgalay bandhigga Hiddaha iyo Dhaqanka ayaa soo dhaweeyay munaasabadda , ayagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin in dadka Soomaaliyeed ee wax la qeybsadaan wadamada kale ee caalamka.

Maamulaha iskuulka Huda American School’s mudane Mukhtaar Sheekh Cismaan, Mid kamid ah Macallimiinta Iskuulka iyo U qeybsanaha waxbarashada iyo dhaqanka ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, mudane C/casiis Sheekh C/raxmaan ayaa dhankooda ka hadlay Bandhigga Hidaha iyo Dhaqanka, waxaana ay tilmaam in wax wanaagsan ay tahay ka qeyb galka howlaha nuucaan oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here