“Man United Oo Been U Sheegtay Paul Pogba Si Ay U Helaan Saxiixiisa”.

0
154

JOWHAR (Radio isnaay) Walaalka Paul Pogba ee Mathias ayaa shaaca ka qaaday inuu ka dambeeyay ku soo laabashada xiddiga khadka dhexe ee Manchester United, waxaana uu sheegay in kooxda ay sameysay ‘ballanqaadyo been abuur ah’ si ay ugu qanciso Pogba inuu ku soo laabto Old Trafford.

Xiddiga reer France ayaa isaga tagi doona United dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxdu iyada oo xiddiga lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah.

Pogba ayaa la kulmay dhaleecayn weyn tan ilaa markii uu ku soo laabtay United Laakiin Mathias ayaa sheegay in ay Man United sabab u tahay in uuna xiddigu soo bandhigin qaab ciyaareed fiican kadib markii ay fulin waayeen balamo ay u qaadeen xiddiga.

“Anigu kaliya kuma riixin in uu ku biiro Man United, aniga ayay iiga mahad-celinayaan in ay la soo saxiixdeen Pogba”.

“Waan ku qanciyay, 100%. Bal eega ciyaaryahanka uu noqday. Manchester dhexdeeda, waxay u samaynayeen ballanqaadyo been ah.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here