Liverpool Oo U Dhaqaaqaysa Xiddig Kale Oo Fc Porto Ah Kadib Qaab Ciyaareedkii Fiicnaa Ee Luis Diaz.

0
159

JOWHAR (Radio isnaay) Liverpool ayaa isha ku heysa xiddiga Porto Otavio ka dib markii ay ku guuleysteen saxiixa Luis Diaz oo kaga soo biiray kooxda reer Portugal.

Xiddiga Diaz ayaa Liverpool kaga soo biiray suuqii january waxana uu kooxda ku yeeshay saamayn deg-deg ah tan ilaa markii uu yimid isaga oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa dhaliyay 2 gool 12 kulan oo uu ciyaaray tan ilaa markii uu yimid kooxda isaga oo muujiyay in ay kooxdu ku sax-sanayd lacagtii ay ka soo bixisay.

Kooxda Liverpool ayaa haatan isha ku haysa xiddig kale oo kooxda Fc Porto ah marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga kadka dhexe ee Otavio oo ay iska soo garab ciyaareen Diaz ayaa qabtay indhaha Tababare Klopp iyo maamulka Reds kuwaas oo doonaya in ay u dhaqaaqaan xiddiga 27 jirka ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here