Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada oo la kulmay madax kala duwan

0
325

JOWHAR (Radio isnaay) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Deeq Suleyman Yuusuf ayaa ka qaybgalay kulanka Dowladaha Adduunka (World Government Summit) oo si rasmi ah maanta, 28ka Maarso, 2022 uga furmay Dubai, wuxuuna socon doonaa muddo seddex maalmood ah.

Intuu shirku socday, Agaasime Deeq wuxuu kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada ee dalka isutaga Imaraatka Shamma Bint Suhail Al Mazrui iyo Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Dhallinyarada Saeed Mohamed Al Nazari.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada ayaa sidoo kale la kulmay Wasiirka Dhalinyarada Masar Prof Ashraf Sobhy, Wasiirka Dhallinyarada Djibouti Dr. Hibo Moumin, Wasiir ku-ku-xigeenka Dhallinyarada Saudi Arabia iyo ugu dambayntiina Wasiir ku-ku-xigeenka Dhallinyarada Dalka Mauritania.

Dhamaan madaxdaasi uu Agaasimaha Guud la kulmay waxay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta Dhallinyarada Carbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here