Mohamed Salah Oo La Xaqiijiyay In Uu Isaga Tagi Doono Liverpool.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddigii hore ee xulka qaranka Masar Mido aoo aad ugu dhaw xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga 29 jirka ah isaga tagi doono kooxda Liverpool xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mustaqbalka Mohamed Salah ee Liverpool ayuu shaki weyn ku jiraa isaga oo diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool kadib markii ay miiska saari wayday dalabaadka uu doonayo.

Heshiiska Mohamed Salah ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana uu ilaa haatan diiday in uu qalinka ku duugo heshiis cusub taas oo heegan galisay kooxo badan oo reer yurub ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here