Pierre-Emerick Aubameyang Oo Sharaxay Dabaal-Dagii Uu Sameeyay Kulankii El Clasico

0
307

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sharaxay micnaha ka dambeeya dabaal deggiisii ​​goolkii uu dhaliyay kulankii ay Barcelona 4-0 ku xasuuqday Real Madrid Axadii.

Weeraryahankii hore ee Arsenal ayaa dhaliyay labo gool sidoo kale caawiye ka noqday mid kale kulankiisii ugu horeeyay ee uu ka soo muuqday El Clasico xilli ay Barcelona noqotay kooxdii ugu horeysay ee Los Blancos ku garaacdo Bernabeu xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.

Xiddiga ayaa sameeyay dabaal-dag aanu horay u samayn isaga oo aaday dhinaca taageerayaasha isla markaas soo qaatay Kubad yar oo casaan ah kadib u jeediyay dhanka taageerayaasha gacantiisa kalena madaxa saaray isaga oo sameeyay waxa lagu sameeyo Filim-ka ‘Super Saiyan’/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here