Erik ten Hag Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa.

0
342

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Kooxda Ajax ee Erik ten Hag ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxda Ajax xilli lala xidhiidhinayo kooxda Man United.

Tababare Erik ten Hag ayaa ka mid ah tababarayaasha u sharaxan in uu noqdo tababaraha Man United ee xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Erik ten Hag diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda Ajax dhamaadka xilli ciyaareedkan xitaa hadii uuna tababare u noqon doonin kooxda Man United.

Tababare Erik ten Hag ayaa ah tababare ciyaar kubad weerar ah waxana lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo doonaya saxiixiisa hadii uu ka tago kooxda Ajax.

Erik ten Hag ayaa koobab badan kula guulaystay kooxda Ajax isaga oo sidoo kale 2019 kooxdiisa geeyay Semi-final-ka tartanka champions league ka hor inta uuna guuldaro kala kulmin Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here