Fal-Celintii Karim Benzema Kadib Xasuuqii Barcelona Kula Kacday Real Madrid Oo La Ogaaday

0
179

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga Karim Benzema ayaa dhaawac ku seegay kulankii ay Real Madrid guuldarada kala kulantay kooxda Barcelona kulanka El Clasico horyaalka La Liga.

Laakiin xiddiga reer France ayaa kooxdiisa ka taageerayay garoonka Bernabue si uu u garab istaago xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Laakiin Benzema ayaan arkin wixii uu doonayay oo ahayd in ay Real Madrid guul ka gaadho kooxda Barcelona sidii caadada u ahayd sanadihii ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa xasuuqday kooxda Real Madrid iyaga oo 4/0 kaga badiyay garoonkooda xilli uu Benzema ka daawanayay garoonka Bernabue.

Kadib guushii Barcelona waxa la arkay sawiro muujinaya fal-celiska Benzema kaas oo dhabanka gacanta saaray isla markaas la yaabanaa waxa ku dhacay kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here