Dowlada Maraykanka Oo been abuur ku tilmaamtay in lacaga uu dhacay nin ku jiro xabsi kuyaalo dalkaasi

0
313

JOWHAR  (Radio isnaay)-Dowladda Mareykanka ayaa been abuur ku tilmaantay wararka sheegaya in Ramon Abbas oo u dhashay Nigeria oo loo yaqaanay Hushpuppi, uu xabsiga ku dhacay $400,000 oo doolar isagoo adeegsanaya aaladda internet-ka.

Hushpuppi, oo 37 jir ah, ayaa sanadkii 2020-ka lagu xiray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii lagu eedeeyay dambiyo la xiriira dhac dhanka Internet-ka ah oo sida la sheegay uu ku dhacay lacag dhan $24 malyan oo doolar, waxaana uu hadda ku xiran yahay xabsi ku yaalla Mareykanka oo ku sugaya in lagu xukumo isagoo qirtay dambiga ah inuu sameeyay lacago sharci darro ah.

Maalintii Khamiista, ayaa waxaa baraha bulshada lagu baahiyay dukumeenti muujinaya in FBI-du ay Arbacadii soo gudbisay caddeymo cusub oo ka dhan ah Hushpuppi oo ah in ay khiyaameeyeen Mareykanka iyagoo isticmaalaya xarumaha internetka ee xabsiga.

Weli ma cadda halka uu ka yimid dukumeentiga oo ku faafay barta Twitter-ka sidoo kalana ay soo tebiyeen warbaahino badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here