Bangiga Horumarinta Afrika oo sheegay in 32 Bilyan uu ku fulin doono mashaariic laga hirgelinayo qaarada Afrika.

0
149

JOWHAR (Radio isnaay)-Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in lacag dhan 32.8 bilyan oo uu ku maalgalin doono mashaariic horumarineed oo laga fulin doono qaarada Afrika.

Guddoomiyaha Bangiga horumarinta Afrika Akinwumi Adesina ayaa ka sheegay madasha Maalgashiga Afrika oo saddex maalmood socotay in $15.6 bilyan oo doollarka loogu talagalay waddada isku xirta Lagos iyo Abidjan, taas oo isku xirta Galbeedka Afrika gaar ahaan labada magaalo ee waaweyn ee dalalka Nigeria iyo Ivory Coast.

Waddadan oo qiyaastii 1,200 kiilo mitir ah waxay yeelan doontaa afar ilaa lix haad, iyada oo lagu dhammeeyn doono qiyaastii lix sano gudahood.

“Afrika waa qaarad aad looga faa’iidi karo. Waxaan soo marnay waqtiyo adag sababo la xiriira COVID-19, laakiin hadda waxaan ku jirnaa soo kabasho. Afrika waxay u soo noqotay maalgashi.” ayuu yiri Adesina.

Mashaariicdan, waxaa sidoo kale qeyb ka ah horumarinta wax soo saarka beeraha, waxbarashada, tamarta, daryeelka caafimaadka, macdanta iyo tignoolajiyada isgaarsiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here