Shirkadda Meta oo xayirtay akoonka Instagram-ka fanaan caan ah oo udhashay dalka Mareykanka.

0
305

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Shirkadda Meta ayaa xayirtay akoonka Instagram-ka ee fannaanka Mareykanka ah ee Kanye West muddo 24 saacadood ah, kaddib markii uu hadal cunsurinimo ku yiri majaajiliistaha Trevor Noah.

Bartiisa Instagram-ka, Kanye waxa uu uga jawaabay dhaleeceyn uga timid majaajilaystaha Trevor Noah ee la xiriirta hab-dhaqanka fannaanka ee ku wajahan xaaskiisa hore, xiddigta caanka ah ee Kim Kardashian, kaas oo Noah uu ku tilmaamay “Arrin fool xun”.

Noah ayaa Kanye West ku dhaleeceeyey faallooyinka uu sida joogtada uga soo qoro Kardashian, carruurtiisa iyo seeyga hadda qaba ee Pete Davidson.

Meta, oo ah shirkadda iska leh Instagram-ka, ayaa sheegtay in Kanye uu ku xad-gudbay xeerarka u dagsan shirkadda iyo sidoo kale shuruucda uga taal aflagaadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here