Wasaaradda Diinta XFS oo shir ku soo gabogabeysay Garoowe

0
143

JOWHAR (Radio isnaay) Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku soo gabagabeysay shir wadatshi oo mudo laba maalin soconayay.

Shirkan oo looga arrinsanayay qabyo qoraalka istiraatiijiyadda ka hortagga, daweynta iyo ladagaallanka fikradaha xagjirnimada rabshadaha wata ayaa mudadii labada maalin ee uu socday waxaa talooyin looga dhageysanayay dadka ku nool deegaannada Puntland.

Gabagabadii shirka waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda, Diinta, Dastuurka iyo dhaqancelinta Dowlad Goboleedka Puntand Mudane Ismaaciil Xaaji Cabdi, isagoo adkeeyay muhiimada ay istiraatiijiyadan u leedahay nabad dhiska Soomaaliya, waxa uuna u mahadceliyay Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, shirka waxaa soo xiray Siihayaha xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cabdiraxmaan Xuseen waxa uuna shacabka iyo Puntland uga Mahadceliyay talooyinka waxtarka leh ee ay ku soo kordhiyeen Istiraatiijiyaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here