Martin Odegaard Oo Kashifay Sababtii Uu Arsenal Ugu Biiray Xagaagii.

0
353

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddigii hore ee weerarka Real Madrid Martin Odegaard ayaa shaaca ka qaaday in mashruuca kubada cagta Arsenal uu qeyb weyn ka qaatay in uu ku qanco ku biirista kooxda Arsenal xagaagii.

Kadib markii uu 6 sano joogay Real Madrid, Odegaard ayaa ku soo biiray Arsenal xagaagii hore waxana uu xiddiga reer Norway soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 5 gool 4 kalena caawiye ka noqday.

Isaga oo ka hadlaya go’aankii uu ugu biiray Arsenal xiddiga 23 jirka ah ayaa sheegay in uu ku qancay mashruuca kooxda Arsenal iyo hamiga kooxda.

“Mashruuca. Qaabka kooxda iyo waxa uu tababaruhu doonayo iyo sida ay u dhisayaan kooxda iyo wixii ay iiga sheegeen mashruuca kooxda ayaa ahayd arinta igu qancisay”ayuu yidhi.

Arsenal ayaa u tartamaysa kaalinta 4-aad ee loogu soo baxayo champions League xilli ciyaareedka dambe iyaga oo haatan ku jira kaalinta 4-aad xilli 3 kulan baaqi u yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here