Shaxda Ugu Fiican Premier League Ilaa Haatan Xilli Ciyaareedka Oo La Soo Saaray.

0
211

JOWHAR (Radio issnaay) Horyaalka premier League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo xiddigo badan soo bandhigayaan qaab ciyaareed cajiib xilli horyaalku marayo meel xiiso leh.

Waxa kulanba kulanka ka sii dambeeya lagu sii dhawaanayaa dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalka premier League iyada oo kooxo walba ku dagaalamayaan ujeedooyin kala duwan.

Xilli ciyaareedkan premier League ayaa ka mid ah xilli ciyaareedyadii ugu fiicnaa taariikhda tartanka marka la eego tartanka loogu jiro boosaska kala duwan ee horyaalka.

Kadib markii la ciyaaray kulamo badan waxa la soo saaray shaxda ilaa haatan ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyada oo la soo qaatay xiddigaha sida fiican u ciyaaraya.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda ugu fiican ilaa haatan xilli ciyaareedka ku leh 5 xiddig xilli ay kooxda Man City shaxda ku leedahay 3 xiddig marka loo eego in ay ku tartamayaan horyaalka.

Kooxaha Wolves, Crystal palace iyo Tottenham ayaa dhankooda shaxda ku leh min 2 xiddig

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here