Mikel Arteta Oo Kashifay Wakhtiga Go’aan Laga Gaadhi Doono Mustaqbalka Xiddig Muhiim U Ah kooxdiisa.

0
173

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa Ka hadlay mustaqbalka Kabtanka kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette waxana uu sheegay in mustaqbalka xiddiga go’aan laga gaadhi doono dhamaadka xilli ciyaareedka.

Heshiiska weeraryahanka reer France ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana wali la isku afgaran la’yahay heshiis cusub sidaas darteed Lacazette ayaa xor u noqon doona inuu ku biiro koox kasta oo uu doorto xagaagan.

Inkasta oo Lacazette uu qaab ciyaareed cajiib ah ku jiro tan ilaa markii uu Pierre Emerick-Aubameyang kala wareegay kabtanimada kooxda Arsenal, haddana wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in 30 jirkan uu wadahadalo kula jiro kooxdiisii hore ee Lyon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here