Nin caan ah oo loo maleeyay Tuug kadibna xabsiga la dhigay.

0
202

JOWHAR (Radio isnaay)-Warbixin uu soo saaray booliska Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday, in agaasimaha filimka caanka noqday ee Black Panter lagu khalday nin tuug ah oo bangi lacag ka dhici rabay, xili uu isku deyayey inuu lacag kala baxo akoonkiisa oo uu ku lahaa bangi ku yaalla dalka Mareykanka.
Ryan Coogler ayaa xirnaa muddo kooban, kaddib markii uu isku deyay inuu bangiga Atlanta kala baxo lacag dhan $12,000 (£9,100).

Shaqaalaha bangiga ayaa madaxa bangigaasi ku wargelisay in ay ka shakisay isku day xatooyo kaddib markii ay dareentay wax is dabamarin
Mr Coogler ayaa warbaahinta Outlet TMZ ee Mareykanka u sheegay in “xaalad noocaas ah uusan abid ku fekerin inay ku dhaceyso”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here