Madaxweynaha Iyo Agaasimaha PSG oo Garsoorihii Dhex-Dhexaadinayay ku Xanaaqay.

0
210

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi iyo agaasimaha ciyaaraha ee Leonardo ayaa aad uga carooday guuldaradii kooxdooda ka soo gaartay Real Madrid.

Waxa ay eeda guuldarada dusha ka saareen Garsoorihii dhex-dhexaadinayay ciyaarta sidoo kale tababaraha kooxda Pochettino ayaa sidaas oo kale aaminsanaa.

Wargayska COPE ayaa sheegaya in Al-Khelaifi & Leonardo xoog ku galeen qolka Labiska garsoorihi dhex-dhexaadinayay kulanka kadib markii ay ciyaartu dhamaatay.

Isla markaas Al-Khelaifi & Leonardo ayaa gacanta ula tagay garsooraha isla markaas garaacay iyada oo loo baahday in loo yeedho booliska garoonka ilaalinayay si ay uga qabtaan garsooraha.

Wararka ayaa sheegaya in ay Real Madrid hayso muuqaal muujinaya sida ay wax u dheceen maadama qolka arintu ka dhacay leeyahay kamerooyin wax duuba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here