Nin wadna doofaarka loo geliyay oo geeriyooday

0
353

JOWHAR (Radio isnaay)-Nin noqday qofkii ugu horeeyay ee adduunka oo lagu talaalo wadne doofaar ayaa dhintay.
David Bunnet oo qabay xanuun dhanka wadnaha ayaa noolaa labo bilood kadib markii uu maray qalliinkii wadnaha doofaarka.

Xaaladiisa ayaa ka dartay maalmo ka hor sida uu sheegay dhaqtarkiisa oo ku sugan magaalada Baltimore.

Bennet ayaa ka warqabay halista ka dhalan karta qalliinka, isaga oo qalliinka ku sheegay ‘Ul mugdi lagu tuurey’.

Dhaqaatiirta jaamacadda Marryland ee Maraykanka ayaa la siiyay ogolaansho gaar ah oo ku saabsan in ay qalliinka fuliyaan, iyada oo wakaaladda Kormeerka Caafimaadka Maraykanka ay go’aankani u cuskatay maadaamaa Mr David uu markasta dhiman lahaa, xitaa haddii aanan qalliinka lagu samaynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here