Karim Benzema Oo Dhigay Rikoodh Ayna Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Dhigin Kadib Saddexleydii Champions League.

0
195

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga Karim Benzema ayaa xaday indhaha taageerayaasha kubada cagta kadib markii uu saddexley ka dhaliyay kulankii sida weyn loo daawanayay ee ay Real ka badisay PSG.

Karim Benzema ayaa saddexley uu dhaliyay ugu caawiyay kooxdiisa kulan ay u baahnaayeen mucjiso hadii ay doonayaan in ay u gudbaan wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Benzema ayaana noqday mucjisadii ay u baahnayd Real Madrid isaga oo saddexley dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta guul weyna ku hogaamiyay kooxdiisa Real Madrid.

Kadib saddexleyda uu dhaliyay Karim ayaa dhigay rikoodh ayna dhigin xitaa xiddigaha ugu fiican adduunka qarniga 21-aad ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Benzema ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee kubada cagta gool dhaliya 18 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah tartanka champions League intii u dhexaysay (2005–2022).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here