Inter Milan ayaa ka fiicnayd Liverpool Labadii Kulan ee UCL.

0
177

JOWHAR (Radio isnaay) Rio Ferdinand ayaa aad ula dhacay Inter Milan Kulankii wareega 16-ka champions League ee ay ka badiyeen Inter Milan isaga oo sheegay in ay kooxda reer Italy ka ciyaar fiicnayd labadii kulanba inkasta oo ay ka hadheen tartanka.

Inter Milan ayaa ku badisay 1/0 kulankii ka dhacay Anfield laakiin waxa ay ka hadheen tartanka kadib markii ay guuldaro 2/0 ah kala kulmeen Liverpool lugtii hore ee tartanka.

Kooxda Inter ayaa ahayd kooxda halista badan 90 daqiiqo ee ciyaarta inkasta oo kaadhka cas looga taagay xiddiga kadib markii ay dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta.

“Waxa u malaynayaa in casaankii Alexis Sanchez dilay rajaooda”ayuu Ferdinand u sheegay BT Sport.

“Waxa ay u ciyaareen si fiican, waxana ay ku soo laabteen ciyaarta, aniga ahaan labada kulanba iyaga ayaa fiicnaa marka la eego ciyaarta labada kooxood”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here