Muxuu Sameeyay Jadon Sancho Markii Uu Man United U Dhaliyay Goolka Bar-Baraha.

0
141

JOWHAR (Radio isnaay) Jadon Sancho ayaa u muuqday mid raali galinaya taageerayaasha Manchester City ka dib markii uu Manchester United gool ugu dhaliyay Etihad Axadii – shan sano ka dib markii uu ka tagay kooxda.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Dortmund ka hor inta uuna xagaagii ku soo biirin Man United xagaagii waxana uu dhaliyay gool qurux badan una bar-bareeyay kooxdiisa.

Halkii uu si waali ah ugu dabaal dagi lahaa goolka, Sancho ayaa raali galin siiyay taageerayaasha kooxdiisii hore kuwaas oo uu ka soo baxay Akademiyadeeda.

Sancho ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu tababare Ralf Ragnick yimid kooxda Shaqadana ka badalay Ole Gunnar Solskjaer.

Xiddiga reer England ayaa Man United ku soo biiray xagaagii kadib markii ay kooxdu ka soo bixisay lacag dhan 75 milyan oo euro kadib muddo ay ku raad joogtay saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here