Ralf Rangnick: Xiddigaha Kuma Qasbi Karo In Ay U Ciyaaraan Kooxda

0
151

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa ku adkaystay inaanu ku qasbi karin ciyaartoy dhaawac ah inay u ciyaaraan kooxda.

Ralf ayaa hadalkaas sheegay kadib markii wax laga waydiiyay dhawr xiddig oo dhaawac uga maqnaa kooxdiisa kulankii ay guuldarada 4/1 ah kala kulmeen Man City.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa dhaawac ku seegay kulanka Manchester Derbu sidoo kale xiddiga Edinson Cavani kaas oo dhaawac ku maqnaa 6-dii kulan ee ugu dambaysay ee Man United.

Si kastaba, Roy Keane oo u waramayay Sky Sports ayaa su’aal ka keenay dhaawaca Ronaldo: “Waxaan ka hadalnaa in Ronaldo uu yahay mishiin, isla markaana ay aad u yartahay in uu dhaawacmo, arintan waxbaa ku jira”.

Rangnick ayaa meesha ka saaray hadalkaas ka dib guuldaradii: “Waa inaan rumaystaa waaxdayda caafimaadka, dhakhtarkaygu wuxuu ii yimid subaxnimadii jimcaha ka hor tababarka, wuxuuna ii sheegay in Cristiano Ronaldo uusan tababar qaadan karin sababtoo ah dhibaatooyin ka soo gaaray sinta sidaas darteed ayuu u ciyaari waayay”.

“Waa xaqiiqo jirta, hadii ciyaartoyda ay u sheegaan dhaqtarka iyo waaxda caafimaadka inay dhaawacan yihiin oo aysan ciyaari karin, waa inaan aqbalo ka tababare ahaan.

“Kuma qasbi karo ciyaaryahan inuu ciyaaro hadii uu u maleeyo inuusan diyaar ahayn sababtoo ah dhaawac ayuu qabaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here