Thomas Tuchel Oo Amaanay Reece James Kadib Kulankii Burnley

0
316

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa amaanay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdiisa ee Reece James kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Burnley kulan ka tirsanaa premier League.

Reece James ayaa ku bilowday shaxda chelsea markii ugu horaysay kadib markii uu ka soo laabtay dhaawac uu muddo bilo ah kaga maqanaa kooxdiisa waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

“Waxaan u xiisay isaga muddo dheer oo aan ku dhawaaday inaan la qabsanno. Waxaan u maleynayaa inay ahayd sagaal toddobaad, waxaana ciyaarnay ilaa 25 kulan isaga la’aantiis”ayuu Thomas Tuchel ka yidhi Reece James.

“Waxaan si joogto ah isku daynay inaan xal u helno, waxaana raadinay xal koox ahaan, waxaana ku guuleysanay ciyaaraha iyo xitaa koobab mudadan”.

“Boosaskani waa mid muhiim ah hadii aad u ciyaarto qaabka aan u ciyaarno”.

“Sidaas darteed waad aragtaan wixii aan waynay laakiin waxa aan ku faraxsanahay in uu soo laabtay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here