Duqa Muqdisho oo daahfuray mashruuca dhismaha waddada DR Kadare

0
202

JOWHAR (Radio isnaay) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta daahfuray mashruuca dhismaha waddada DR Kadare, waddadaas oo tagi doonto Xeebta Dahab Mariina Beach.

Dhismaha waddadaan ayaa ah mid ay baahi weyn u qabaan bulshada Caasimadda,iyadoo sidoo kale qeyb ka noqon doonto dalxiiska ay dadweynaha ku tagi doonaan xeebaha waddadaas saaran.

Guddoomiyaha Rugta ganacsatada Soomaaliyeed Maxamud Cabdikariim Gabeyre ayaa tilmaamay “ in ganacsatada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin da’daal kaste oo lagu horumarinaayo Caasimadda”.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlay furitaanka mashruucan  ayaa sheegay “in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii ay bulshada u heli lahaayeen adeegya wax tar leh” .

Dhan kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dib u dhiska lagu sameynayo waddada Fagax oo kamid ah waddooyinkii ku bur buray dagaaladii so keeye ee dalka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here