Maraykanka oo weydiistay dunida Islaamka inay ka hortagaan tacadiyada Haweenka Afghanistan.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maraykanka ayaa bilaabay wadahadallo uu la yeelanayo waddamada Islaamka ah, si uu ugu dhiiragaliyo inay hormuud u noqdaan sidii ay cadaadis ugu saari lahaayeen hoggaamiyayaasha Taalibaan inaysan dumarka Afghanistaan ka saariin nolosha caadiga ah, iyaga oo adeegsanaya magaca diinta.

Rina Amiri, oo ah ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan haweenka Afghanistaan, gabdhaha, iyo xuquuqul insaanka, ayaa sheegtay inay hoggaaminayso hindise diblamaasiyadeed oo lagu doonayo inay isku mowqif ka noqdaan dhammaan daneeyayaasha caalamiga ah arrinta haweenka Afghanistan.

Ergeyga Maraykanka, oo si toos ah uga hadlaysay siminaar ay soo qabanqaabisay Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah, ayaa sheegtay inay booqatay dalalka Sacuudiga iyo Qatar toddobaadkii hore ,ayna doonayso inay u safarto waddamo kale oo Muslimiintu u badan yihiin, si ay ugala qaybgalaan waxa ay ugu yeertay “dhaqammada dib-u-socodka ah” ee Taalibaan ay dhaqangelinayso, si ay u yareeyso xoriyadda dumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here